Dhamaan Kulamada Horyaalka Heerka 1-aad Ee Italy Oo La Joojiyay Kadib Dhimashadii Daafaca Fiorentina Ee Davide Astori


Xiriirka kubada cagta Italy ayaa haatan si Rasmi ah u xaqiijiyay in la joojiyay kulamadii horyaalka heerka 1-aad ee la ciyaari lahaa maanta oo Axad ah kadib geeridii ku timid daafaca ahaana kabtanka kooxda Fiorentina ee Davide Astori.

31 jirka reer Italy ayaa si lama filaan ah u geeriyooday xalay isaga oo jooga garoonkii ay kooxdiisu joogeen ka hor kulankii ay maanta la ciyaari lahaayeen kooxda Udinese kulan ka tirsanaa horyaalka Italy ee Serie A-d iyada oo ay ogaadeen dhimashadiisa xiddiga ay isku kooxda yihii kuwaas oo quraacda u soo kicinayay kadib markii uu soo xaadiri waayay.


Kooxda Fiorentia ayaa joogay hoteelka  iyaga oo sugayay in ay maanta la ciyaaraan kooxda Udinese kulan ka tirsanaa horyaalka Italy.


kadib codsi ka yimid koxo badan iyo waliba xiddigo badan oo Italy ah madaxweynaha xiriirka kubada cagta Italy ee Damiano Tommasi ayaa go,aansaday in la joojiyo dhamaan kulamadii Serie A-da ahaa ee la ciyaari lahaa maanta.

Xiddigo badan oo Italy ha ayaa la soo shaqeeyay Astori isaga oo xulka qaranka Italy u soo ciyaaray 14 kulan oo caalami ah

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*