XOG RASMI:Wesley Sneijder Oo Ku Dhawaaqay In Uu Ka Fariistay Ciyaaraha Caalamiga Ah


Wesley Sneijder ayaa ku dhawaaqay inuu ka fariistay ciyaaraha caalamiga ah ka dib markii uu la kulmay tababaraha cusub ee Netherlands Ronald Koeman.

Tababarihii hore ee Everton iyo Southampton ayaa u safray Qatar si uu ula Sneijder oo hatan u ciyaara kooxda reer Qatar ee Al Gharafa, si uu ugala hadlo mustaqbalkiisa.

Sneijder ayaa yiri: “Markii aan ka soo tagay yurub una soo dhaqaaqay Qatar waxa aan ogaa dabcan saamaynta ay ku yeelan doonto mustaqbalkayga xulka qaranka”.

“Waxaa intaa dheer, waan fahamsanahay in Koeman uu doonayo inuu bilowdo bilowga ciyaartoy kale, ciyaartoy da ‘yara ah, waxaan aad u fahamsanahay arintaas waxa aan wada qaadanay wadahadal fiican waanan ixtiraamayaa doorashadiisa”


Koeman, oo loo magacaabay tababaraha Netherlands bishii hore, ayaa yiri: “Wesley waa mid ka mid ah ciyaartoyda ugu wanaagsan ee reer Holland sanadihii lasoo dhaafay, ciyaaryahan weyn oo tayo weyn leh”.

“Laakiin waxaan rabaa in aan doorto oo aan dhisto Oranje cusub, sidaa darteed waa in aan doorasho sameeyo”


Sneijder wuxuu u ciyaaray dalkiisa muddo 15 sano ah ka dib markii uu kulankiisii ​​ugu horeysay u saftay kulan ay la ciyaarayeen kulka Portugal 2003-kii.

Xiriirka kubada cagta Holland ayaa qorshaynaya in ay kulan sharafeed u qabtaan xiddiga 33 jir ah ee xulka u dhaliyay 31 gool 133 kulan oo uu u ciyaaray xulkiisa.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*