Xiddig Arsenal Ah Oo Dusha Saartay Masuuliyadii Guuladaradii Soo Gaartay Kulankii Brighton


Naadiga Arsenal ayaa mar kale guuldaro xanuun kulul kala kulantay kooxda Brighton kulan ka tirsanaa horyaalka premier leaguu todobaadkiisii 29-aad.

Taas ayaa la macno ah in Arsenal dusha loo saaray guuldaradeedii 4-aad oo xiriir ah horyaalka premier league iyo guuldaradii 6-aad ee tartamada oo dhan.


Goolhayaha kooxda Petr Cech ayaa qirtay in uu masuul ka ahaa guuldaradii fooshasha xumayd ee soo gaartay kooxda kulankii Brighton.

Gunners ayaa laba gool laga dhaliyay 30-kii daqiiqo ee ugu horeeyay waxana ay haatan 13 dhibcood ka dambeeyaan kaalinta 4-aad xilli 9 kulan ka harsan yihiin horyaalka premier league xilli ciyaareedkan.

Pierre-Emerick Aubameyang ayaa hal gool u soo celiyay wax yar ka hor qaybtii hore ee ciyaarta laakiin Arsenal ayaa awoodi wayday in ay keento bar-baraha qaybtii dambe.


Taageerayaasha ayaa si toos ah ugu orinayay tababaraha kooxda kadib ciyaarta laakiin Cech ayaa qirtay in uu labada goolka isagu khalad ku lahaa dushana saartay masuuliyada guuldarada Naadiga.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*