Ciidanka Xooga Dalka ee DANAB Oo La Wareegay Deegaanka Gamboole ee Sh/Dhexe.


Wararka Laga Helaayo Degaan Hoos yimaada  Magaalada Jowhar ee gobalka Shabeelaha dhexe ay sheegayaan in sy  saakay Ciidamada Dowladda Soomaaliya gaar ahaan milatariga ay Al-Shabaab kala wareegeyn deegaanka Gamboole ee duleedka magaalada Jowhar.


Ciidamada Xooga Dalka Somaliya ee DANAB oo markii ugu horeysay fariisin ka sameestay Shabeelaha dhexe ayaa saakay aroortii hore weerar ku qaaday deegaanka Gamboole oo ay saakay shabaab kula balansanaayeen Ganacsatada magaalada Jowhar kuwaas oo ay Al-Shabaab kala hadli rabayn Arimo la xariira  Bixinta Canshuur ay Shabaab ka doonayaan Ganacsatada.


Dhanka Kale Qaar Ka Mid ah Gnaccsatada ayaa Sheegay in ay dhib Ku qabeen Bixinta Canshuurta ay soo Rogeen Alshabaab ,iyo Dowlada somaliya Kuwaas Oo Ku Tilmaamay in ay Labada Dhinac ay ka qaadayaan Canshuur.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*