Lionel Messi Oo maamulka Barcelona u diray farriin ka nixisay Neymar.


Xiddiga kooxda PSG Neymar JR ayaa loo sheegay in Lionel Messi uusan diyaar u aheyn inuu dib ugu soo dhoweeyo kooxda Barcelona maadaama uu dareensan yahay in aysan Barcelona u baahneyn.


Xiddiga reer Brazil ayaa xagaagii lasoo dhaafay ka tegay Catalonia markaasoo uu ku biiray kooxda ka dhisan caasimadda France. Balse Neymar waxaa ku adkaatay nolosha kooxda ka dhisan caasimadda Paris.


Durba waxay isku dhaceen weeraryahanka kooxda PSG Edinson Cavani taasoo keentay inuu lumiyo taageeradii looga hayey qolka lebiska PSG. Neymar ayaana inta ka dhimman xilli ciyaareedkaan garoomada ka maqnaan doona, wuxuuna la dagaalamayaa waqtiga si uu taam ugu noqdo Koobka Adduunka.

Shabakadda Diario Gol ee dalka Spain ayaa haatan sheegeysa in Leo Messi uusan diyaar u aheyn inuu Neymar kusoo dhoweeyo kooxda ka dhisan Camp Nou Stadium maadaama uu dareensan yahay inay Barcelona horay u socotay isla markaana aysan u baahneyn xiddiga reer Brazil.

Xitaa khabiirka ciyaaraha La Liga Guillem Balague ayaa xaqiijiyey inuu Neymar doonayo inuu kusoo laabto Barcelona – balse waxaa laga yaabaa inay Real Madrid ku qaadato lacag xoogan.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*