Madaxweyne Farmaajo”Cid Maalgashi Sameyn Karto Ma Jirto iyadoo Fasax Ka Wadan Dowladda Soomaaliya”


Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in aysan jirin cid maalgashi Dalka ka sameyn karta iyadoo aan fasax ama ogolaansho ka heysan Dowladda Fedaraalka ah ee Soomaaliya.


Madaxweynaha ayaa sheegay in aysan ogolaan doonin in dalka shirkado iska maamushaan ama ay ka fuliyaan mashaariic aysan Ogeyn Dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Sidoo kale madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in aysan ogolaan doonin wax kasta oo dhaawacayada Midnimada, Madaxbanaanida iyo Sharafta Shacabka Soomaaliyeed cid kasta oo isku daydana ay ka hor tagi doonaan.

Hadalkaan ayuu ka sheegay xafladda furitaanka Kal-fadhiga 3aad ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Hadalka Madaxweynaha ayaa u muuqda mid Jawaab ah heshiiskii dhawaan magaalada Abuu Dubia ay ku kala saxiixdeen Soomaaliland, Itoobiya iyo Imaaraadka.

Sidoo kale hadalka Madaxweynaha ayaa jawaab u ah hadalo siyaasadeed oo heshiiskaas ka dambeeyay.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in Soomaaliya ay hadda liidato dhinaca dhaqaalaha laakiin taas aysan micnaheeda ahayn in ay isdhiibtay,waxaana uu sheegay in Dadka Soomaaliya aysan ahayn dad jilicsan.


Dhinaca kale waxaa uu sheegay in Soomaaliya ay markan tahay markii ay hoggaamin lahayd Urur Goboleedka IGAD oo uu sheegay in uu rajo wanaagsan ka qabo in ay Soomaaliya ku guuleysato.

Xilka Xoghaya Urur Goboleedka IGAD waxaa Soomaaliya u sharraxan Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya C/Salaan Hadliye Cumar,iyada oo uu hadda Madaxweyne Farmaajo rajo wanaagsan ka muujiyay arrintaas.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*