Dhacdo Naxdin Leh Dad Qoys isku Ah Oo U Geeriyooday Mudaawaad Ay Cabeen Magaalada Muqdisho


Warbixino laga Helyo Qoys ku sumoobay mudaawaadka ay cabeen ayaa waxa ay degan yihiin Xaafadda Tawakal oo ka tirsan Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir.

Dadka Deriska la ah Qoyskaas ayaa waxa ay sheegeen in Saddex Caruur ah ay geeriyoodeen halka  xaaladooda laga deyrinayo  mid kale iyo Aabaha Dhalay Caruurtaas oo lagu Magacabo Jeele Xaashi Iimaan.

Caruurta geeriyootay ayaa kala ah laba Gabdhood iyo Wiil oo Da’dooda lagu kala sheegay  15 jir 3 jir iyo 10 jir,waxaan dhacdadaan ay dhacday markii Salaadii Cishaha laga soo baxay ee Xalay.

Qoyska ayaa waxyaabaha mudaawaadka ah ay isticmaaleen waxaa la sheegay in Gurigooda uu ka baxayay Balse  ay dhibaatadaasi Naxdinta leh ay ka soo gaartay.


Aabaha Qoyska iyo mid ka mid ah Carruurtiisa ayaa aad xaaladooda laga deyrinayaa,iyada oo lagu daweynayo mid ka mid ah Goobaha Caafimad ee ku yaalla Magaalada Muqdisho.


Sidoo kale Wararka  ayaa sheegayan in Hooyada dhashay Caruurta aysan iyada cabin waxyaabaha mudaawaadkaas ah,isla markana ay iska diiday Sida uu yahay Warka.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*