Guddoomiyaha Barlamanka Hirshabelle Cismaan Barre Oo Yiri “kama adkaan karno Al-shabaab”


Guddoomiyaha Baarlamaanka ee Maamulka Hirshabeelle, Cismaan Barre Maxamed ayaa sheegay in maamulkooda uusan ka adkaan karin Al-shabaab islamarkaana ay kaalmo uga baahanyihiin dowladda Federaalka ah.


Cismaan Barre oo ka hadlayay kulankii shalay lagu furyay kalfadhiga 3aad ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in saraakiisha maamulka Hirshabeelle aanay mari karin waddada u dhaxeysa Jowhar iyo Muqdisho ayna ku adag tahay adeegsigeeda.

Sidoo kale Waxaa uu sheegay in waddadaas ay dhowr jeer dagaallo kedis ah ka fuliyeen Al-shabaab islamarkaan Ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka Hirshabeelle ay ku adkaatay in waddadaas ay ka saaraan Al-shabaab.


Dowladda dhexe ayuu sheegay maaddaama ay xubin ka yihiin in ay kala qeyb qaadato sidii wax looga qaban lahaa amaanka waddada isku xirta Muqdisho iyo Jowhar.

Al-shabaab ayaa todobaadkii hore in kabadan 10 Askari oo Ciidanka Burundi ka tirsan ku dilay kaddib markii ay weerar ku qaadeen Kolonyo ka tirsan Ciidanka AMISOM oo marayay duleedka Degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha dhexe.

Dhinaca Kale Ciidamada Dowladda ayaa shalay aroortii galay Degmada Gamboole ee Gobolka Shabeellaha dhexe iyada oo ay isaga baxeen Al-shabaab ka hor inta aysan Ciidamada dowladda tegin.

Ciidamadii tagay Magaalada oo 50km dhinaca Galbeed uga beegan Jowhar ayaa isaga soo baxay duhurnimadii Shalay,saraakiisha dowladda ee Gobolka Shabeellaha dhexe ayaa ka gaabsaday in ay arrintaas ka hadlaan.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*