Maxaa Ka Jiro In Mar kale Amaro La Dul Dhigay Garoomada Salaxa ee Muqdisho


Al-Shabaab ayaa mar kale amaro ku aadan in la xiro ku soo rogay garoomada yar yar ee lagu ciyaaro kubadda cagta ee ku yaala degmooyinka ku dhow dhow Madaxtooyada Soomaaliya.


Amarka Al-Shabaab oo horay uga dhaqan galay degmooyinka Yaaqshiid, Huriwaa, Kaaraan iyo Dayniile ayaa hada u muuqda mid ku soo faafay degmooyinka kale ee bartamaha Muqdisho.

Qaar ka mid ah dhalinyarada Xaafadaha Hodan, H/wadaag, Waabari iyo Wardhiigley ayaa sheegaya in xalay Al-Shabaab la soo xiriireen Milkiilayaasha Garoomada kubadda cagta ee ku yaalla degmooyinkaas, kuna amreen in la xiro.

Garoomada lagu amray in la xiro ayaa ku yaalla agagaarka Wadada Maka al-Mukarama illaa agagaarka Madaxtooyada, waxaana si isku mid ah loogu wargeliyay inay joojiyaan illaa amar dambe.


Garoomada yar yar ee roogga fidsan ee lagu ciyaaro kubadda cagta habeen iyo maalin ayaa muddooyinkii u dambeeyay ku soo kordhay, waxaana uu nuuc ganacsi oo dhalinyarada ku ciyaareysa lacago looga qaado saacadiiba ,Inkasto Dadka Wax garadka ah ay sheegeen Amarada Ka Soo baxaya Alshabaab ay uga dan leeyihiin in ay shacabka tusaan in ay wali ka taliyaan muqdisho balse dowlada ayaa laga rabaa in ay jawaab ka bixiso ayuu dhahay mid ka mid ah waxgaradka muqdisho.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*