Ciidamada NISA Oo Weerar Lama Filaan Ah Ku qaaday Kooxdii Dilka Geeysatay Shalay


Faah-faahin dheeraad ah Oo ka soo baxaya  Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka ay Weerar  ku qaadeen  xubno ka tirsan ururka Al-shabaab Meel ay kaga sugnaayeen degmada Kaxda wuxuuna jawaab u ahaa Askari shalay lagu dilay gudaha degmadaasi.

Ragaan ka tirsan  Al-shabaab ayaa shalay gelinkii dambe degmada kaxda waxa ay ku dileen Askari ka tirsanaa Ciidanka Dowladda oo lagu magacaabi jiray Ilkacase, kadibna waxa ay ka qaateen Qorigii iyo Booshashkii uu watay.


Ciidanka Dowladda oo ka jawaabayay dilkaasi ayaa xalay abaare 11:00 habeenimo weerar qorsheysan waxa ay ku qaadeen Qabuuraha degmada Kaxda ee loo yaqaano Boqolka Boos, halkaasi oo ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan  Al-shabaab.


Labada dhinac halkaasi waxaa ku dhexmaray dagaal kooban , kaasi oo geystay khasaare kala duwan oo dhimasho iyo dhaawac isugu jira, oo soo kala gaaray dhinacyadii dagaalamay.

Saraakiisha Hay’adaha ammaanka degmada Kaxda ayaa sheegeen in dhankooda weerarkaasi uu uga dhintay Hal Askari oo lagu magacaabi jiray Alxam, iyaguna ay khasaare gaarsiiyeen xoogaga Shabaab.

Dadka degan degmada Kaxda ayaa waxa ay sheegeen in xalay mar qura ay maqleen rasaas fara badan oo isweydaarsi ah, balse markii dambe ay ogaadeen in uu dhacay dagaal ,

Dhanka kale xaalada degmada Kaxda ayaa saakay, iyada oo shacabka ay weli hadal hayaan dagaalkii xalay.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*