Maxaa Ka Jiro in Golaha Shacabka ay Maanta Dood Ka Yeelan Doonaan Heshiiska Dekadda Berbera


Xubnaha golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya oo 10-kii bishaan Maarso Kalfadhigooda seddaxaad  uu furmay  ayaa maanta yeelanayo kulanka ugu horeeyo Kalfadhigooda.


Sida qaar ka mida Xildhibaanada iyo Guddiga warfaafinta ay sheegeen.Ajandaha kulanka maanta ee Xildhibaanada waxaa uu yahay Heshiiska Dp world ee Ku saabsan dekadda berbera kaa oo udhaxeeyay Ethopia , Soomaaliland iyo sidoo kale shirkadda DP world ee laga leeyay Wadanka isu  tagga imaaraadka carabka.


Waxaana heshiiskaani  uu yahay mid Xukuumadda Soomaaliya ay sharci darro Ku tilmamtay.

iyadoo madaxda shirkadda DP World  ay sheegeen in Soomaaliland ay tahay dal Soomaaliya inteeda kale ka madax banaan hadalkaas oo Dowladda Federaalka Soomaaliya ka careysiiyay islamarkaana dacwad ka dhan ah imaaraadka ay ugudbisay Jaamacadda carabta oo Soomaaliya iyo imaaraadka ay ka wada tirsan yihiin.

Golaha shacabka Soomaaliya ayaa la  filayaa in Dood ka dib ay Go’aan qaataan kaa oo aan la ogeyn in uu la  mid noqonaya kan Xukuumadda ee ah in heshiisku sharci darro yahay iyo in uu ka duwanaan doono.

Dhinaca kale Arrintaasi Ku saabsan heshiiska dekadda Berbera ayaa hakad gelisay Wadahadaladii Soomaaliya iyo  Soomaaliland waxaana uu u muuqdaa mid wax kala fogeynayo. Hase  Ahaate Waxaa uu Wassirka Isgaarsiinta Somaliland uu Amary in aan la adeegsan karin domin Name Somaliya ee .So Waxaana uu Ku amray shirkadaha iyo jamacadaha ka shaqeeya somaliland in ay ka guuraan magacaasi balse waxaa nasiib daro ah in ay amar soo saaran haddana aysan bulshada wax kale oo bedel ah aysan u Heeyn Mamulka Somaliland.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*