Maxaa Keenay in Ganacsatada Reer Jowhar Xabsiga Loo Taxaabo


Ciidamada amaanka ee magaalada jowhar ayaa saldhiga Booliska degmadaasi ku xir xiray ganacsato ka mid ah kuwa magaalada jowhar.


Ganacsatada la xir ayaa ah kuwii baqaarada ku lahaa magaalada jowhar waxaana la tilmaamay in Al-shabaab la soo hadleen oo looga yeeray deegaanka Gamboole oo ay maamulaan Al-shabaab balse laamaha amaanka ayaa sida la sheegay ka war helay ganacsatadan oo ka baxay magaalada isla markaana ku sii jeeday degaanka Gamboole.

intaas kadib ayaa waxaa ciidamo ay uga daba tageen ganacsadata oo ka baxaya magaalada iyadoo dhamantood xabsiga la dhigay.


bishii hore ayay ahayd markii sidaan oo kale ku dhawaad 20 kamid ah ganacsatada xoolaha ee magaalada Jowhar , saldhiga lagu xiray kadib markii ay deegaanka Gamboole kula soo kulmeen Al-shabaab oo u yeeray.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*