SAWIRO:Maxay Kawada Hadleen R/Wasaraha Soomaaliya iyo R/Wasaaraha Hindiya


R/Wasaare ku xigeenka dalka Somaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa magaalada New Dalhi ee dalka India kulan gaar ah oo saacad iyo wax ka badan qaatay la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha dalka India Mr. Narendra Modi.

Labada masuul ayaa waxa ay ka wada hadleen sidii labbada dal Soomaaliya iyo Hindiya isaga kaashan lahaayeen dhinacyada arrimaha bulshada khaasatan Caafimaadka iyo waxbarashadda iyo in Shacabka Soomaaliyeed loo fududeeyo dal ku galka Hindiya.


Mudane Mahadi ayaa Yiri “Waxaan la kulanay Ra’iisal Wasaaraha Dalka Hindiya Narendra Modi, runtii kulankaasi oo aad muhiim u ahaa waxaanu kaga wada hadalay sidii labada dal Soomaaliya iyo Hindiya isaga kaashan lahaayeen dhinacyada arrimaha bulshada, guul ayuuna ku soo dhamaaday”. Ayuu yiri R/Wasaare Kuxigeenka.

Sidoo kale Ra’iisal Wasaaraha dalka India Narendra Modi ayaa dhankiisa wuxuu balan qaaday in India ay Soomaaliya si dhow ugala shaqaynayso xiriirada iskaashi ee arrimaha Bulshada iyo kuwa dibloomaasiyadeedba.


Wafddiga Raiisul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya ayaa inta ay joogaan Dalkaasi India kulammo la yeelan doona qaar ka mid ah madaxda ka qayb galaysa shirka halkaasi ka dhacaya oo uu kala hadli doono iskaashiga labada dhinac.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*