Cabdi Qeybdiid “Kuma Qanacsani Gudigii Loo Xilsaaray Baarista Weerarkii Lagu Qaaday Gurigeyga”


Sen. Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo maanta ka hor hadlayay Xildhibaanada Aqalka Sare ee Soomaaliya ayaa sheegay in uu wali raadinayo sababtii ka dambeysay weerarkii lagu qaaday gurigiisa sanadkii 2017.


Sen. Qeybdiid ayaa kulanka golaha aqalka sare ka sheegay in ciidamada weeraray Gurigiisa la siisay amar qaldan oo ah in Gurigiisa lagu tuhunsanaa in uu ku jiro Ninkii ka danbeeyey Qaraxii 14-kii October ka dhacay isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho.

Sen. Qaybdiid ayaa waxa uu sheegay in Ciidamada weeray gurigiisa ay ka soo baxeen Dugsiga Gen .Gordan Oo ah Xarun Ciidamada ay Imaraadka ku tababaraan.

Waxaa uu hadalkiisa raaciyay in Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee NISA, ay amarkan Gurigiisa lagu wareeray  bixiyeen Ciidamada Imaaraadku tababaray weerareen Gurgiisa.

Sen. Cabdi  Xasan   Cawaale Qaybdiid ayaa waxa uu sheegay in wali wax jawaab uusan helin kadib weerarka Gurigiisa oo sedex bilood hada laga joogo.

dhanka kale Cabdi  Xasan   Cawaale Qaybdiid waxa uu sheegay in Uusan ku qanacsaneyn Guddiga uu Madexweynaha u magacaabay in ay baaraan Kiiska weerarka  lagu qaaday Gurigiisa 31kii December 2017 waxaana uu dalbaday in guddi isugu jira labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya loo xilsaaro.

Ugu Danbeeyntii Guddoonka Aqalka Sare ayaa labada soo jeedin ee ka timid Xildhibaanada cod u qaaday, waxaana inta ugu badan ee Xildhibaanada u codeysay in Guddi loo saaro kiiska Cabdi Qeybdiid.


Illaa 23 Xildhibaan ayaa u codeysay in Guddi loo saaro kiiskaas, halka 4 Xildhibaan ay u codeysay in loo yeero Ra’iisul Wasaaraha, waxaana ka aamusay hal Xildhibaan.

Dhinaca kale Xildhibaanada Aqalka sare ayaa xilligan shir ka leh arrinta Dekeda Berbera iyo shirkadda DP World oo shalay xeer uu soo saaray Golaha Shacabka dalka looga mamnuicay.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*