Ciidamo Ka Wada Tirsan Kuwa Dowladda Oo Ku Dagaalamay Degmada Mahadaay


Wararka laga helayo Degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in Ciidamo ka wada tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ay Shalay  ku dagaalameen degmada Mahadaay ee gobolkaasi.

Dagaalkan ayaa yimid, kadib markii Lacago Canshhuro ah ay isku qabteen Ciidamo milateri ah iyo kuwa Boolis ah oo ku sugan degmadaasi.


Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in uu jiro khasaaro xoogan, balse aan la xaqiijin karin inta uu la’egyahay.


Ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka degmadaasi oo ku aadan dagaalkaasi.

Sidoo kale Degmada Mahadaay waxaa had iyo jeer ka dhaca isku dhacyo Ciidanka dhexdooda ah, taas oo la sheego in ay ugu wacantahay maamul xumo hareysay degmadaasi,.Iyadoona dhawaan loo magacaabay guddoomiye cusub, kadib markii xil ka qaadis lagu sameeyay guddoomiyihii degmadaasi C/laahi Maxamed Xuuseen Geeldoox. 

Dhinaca kale Dadka Degaanka aya sheegay in Degmada Mahaday ay  Dhaxashay Maamul Xumo Waana Nasiib Daro in aan ilaa iyo Hadda aan Lahelin Madax Samata Bixin karta Degmada Mahadaay Waa Markii Sedexaad ee Maamul Loo Soo Magcaabo Kuwaasi Oo aan wax wanagsan ka qaban ,

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*