Maxaa Ka Jira in Madaxwaynaha Soomaaliland Looga Yeeray Dalka Imaaraadka Carabta


Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa looga yeeray dalka Imaaraadka Carabta kadib markii maanta Diyaarad khaasa looga soo diray dalkaas.

Wararka  ayaa sheegaya in madaxwayna iyo wefdi wasiiro ah ay galabta ka dhoofi doonaan Garoonka diyaaradaha ee Hargeysa.


Safarka madaxweynah ayaa la filayaa in madaxda imaaraadka iyo wafdiga Soomaaliland  ay ka wada hadlaan heshiiska dekadda Berbera ee shirkada laga leeyahay imaaraadka ee DPworld ay qeyb ka tahay.

Imaaraadka ayaa la filayaa inay kala hadlaan Muuse Biixi arrimaha muranka dhaliyay ee wareejinta dekada Berbera iyo sidoo kale qoraalo ay Baarlamaanka iyo dowlada federaalku ka gudbiyeen heshiiskaasi.


Madaxwaynaha Soomaaliland ayaa maanta la kulmay shir gudoonka Baarlamaanka Somaliland iyo xisbiyada mucaaridka iyagoo ka wada hadlay arrimaha muranka dhaliyay ee shirkadaha Dp World.

Waxay noqon doontaa markii u horeysay ee madaxweynaha Somaliland safar ku tago dalka Iimaaraadka.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*