Wasaaradda Howlaha Guud Ee Dalka Oo Maamulka Hirshabelle Kala Shaqeeynaysa Dib U Dhiska Kaabayaasha Dhaqaalaha


 Wasiirka Howlaha Guud Dib-U-Dhiska iyo Guryaynta Dowlada Federalka Soomaaliya Eng. Saadiq Cabdullahi Cabdib Oo Ku Sugan magaalada Jowhar ee xarunta Dowl-goboleedka Hir-Shabelle,  ayaa  Ka hadlay Ujeedka Sfarkiisa Shaqo  Kaasi Oo ah   fulinta mashruuca Tayaynta Wasaaradaha Howlaha Guud heer Dowlad-goboleed iyo heer federal Mashruuca waxaa naga kaalmeenaya Bangiga Horumarinta Africa (African Development Bank).

Hiigsiga fog ee bangiga ayaa ah horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha dalka isagoo garowsan inay wasaaradaha howlaha guud ay yihiin tiirarka horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha dalka. Mashruuca waxaa fulintiisa nagala shaqeynaya hey’adda UNOPS ee Qaramada Midoobay.


Hadafka Mashruucu waa in Hey’adaha Howlaha guud ee wadanka ay mashruucaan kadib iskood Mashaariicda Kaabayaasha Dhaqaalaha u qorsheyn karaan, dhaqaale ugu raadin karaan, dhan dhaqaale iyo maareynba mashruucyada u maamuli karaan isla markaana u kormeeri karaan. Markuu mashruucu dhamaado hey’adaha howlaha guud waxay ahaan doonaan kuwo isku filan oo iskood waajibkooda u guta.

 Wasaaradda howlaha guud ee Hirshabelle Waxaan hadda u keenay qalab casri ah oo si maqal iyo muuqaal ah wasaaradaha howlaha guud dhexdooda iyo adduunka intiisa kaleba ugu wada xiriiri karaan. Sidoo kale waxaan goordhow, bil ilaa laba bil gudaheed Wasarada Howlaha Guud ee Dowlad Goboleedka u keeni doonaa qalabka xafiisyada oo ay ku shaqeyn lahaayeen  iyo agabyada xafiisyada lagu isticmaalo ee joogtada loogu baahan yahay  Taasoo  haqabtirkeeda dhowr sano wadi doono si wasaaraddu howlaha ay umadda u heyso u gudato.


Waxaa intaa dheer iney ila socdaan shaqaalaha Wasaarada ee qaabilsan fulinta mashruuca ayna sameyn doonaan daraasad ay ku ogaanayaan baahida wasaaradda Howlaha Guud ee Dowlad-goboleedkaan, dhinaca qorshe-dejinta, shaqaalo tayo leh oo wasaaraddu yeelato, tababarada ay u baahan yihiin, qalabka farsamo ee lama huraanka u ah, shuruuc dejinta ay rabaan inay sameeyaan IWM. Baahida ay daraasaddaasi muujiso ayaanuna wax ka qaban doonaa annagoo isticmaaleyna qoondo mashruucu arrimahaas u meeleeyay.

Sidoo kale Horumarinta kaabayaasha dhaqaale ee Dowlad-goboleedkaan waa halbowlaha horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha dalka guud ahaan, sidaas darted waxaa wasaaradda Howlaha Guud ee federaalka ka go’an xoojinta la shaqeynta Wasaradaha Howlaha Guud ee Dowlad-goboleedkaan si horumarka wadanka guud ahaan loo hurumariyo.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*