Arsenal iyo Real Madrid Oo Ku Heshiiyey in ay Ciyaaraan Laba Kulan Oo Caawimaad ah iyo Xiliga lacayaari doono


Naadiyada kubada cagta Real Madrid iyo Arsenal ayaa ku heshiiyey laba Cayaarood oo sadaqo ururin ah kulamadaas oo lacgta ka soo xaroota loogu deeqi doono dadka faqiirka ah ee aan waxba haysan.

Labada kooxood ayaa heshiiska waxaa u kala Saxiixay Cayaartoydii hore ee Robert Pires iyo Raul kuwaas oo sidoo kala hogaamin doona Cayaartoyda Cayaari doonta labadaan kulan ee Sadaqada ah.


Kulanka lugta hore oo ka dhici doona Garoonka Bernabeu ayaa ladheeli doonaa 3 da bisha June ee Sanadkaan halka Cayaarta lugta labaad oo ka dhici doona Garoonka Emirates Stadium kaas oo dhici doona bisha September 8 deeda isla Sanadkaan 2018.


Cayaartoyda Real Madrid ee kasoo muuqan doonta kulamadaan waxaa ka mid ah Raul, Fernando Morientes, Guti Robert Pires iyo Julio Baptista halka dhanka Arsenal ay ka soo muuqan doonaan Cayaartoyda Freddie Ljungberg, Gilberto Silva, Ray Parlour, Sol Campbell, Lauren Tomas Rosicky Roberto Carlos, Xabi Alonso iyo Raul.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*