Tartanka Gool dhalinta Horyaalka Spain oo Xiiso badan yeeshay kadib Ronaldo


 Waxaa meel xiiso badan maraya Tartanka Gool dhalinta Horyaalka dalka Spain kadib markii uu Goolal badan dhaliyey Weeraryahanka Real Madrid ee Cristiano Ronaldo,

Cristiano Ronaldo oo kulankii ugu danbeeyey kooxdiisa u dhaliyey 4 Gool ayaa soo tiigsaday Cayaartoyda Barcelona ee Lionel Messi iyo Luis Suarez kuwaas oo iyagu ahaa kuwo Goolal aad u badan ka dheeraa Ronaldo bartamihii Horyaalka La liga.

Abaal marinta Pichichi tan iyo sanadkii 2010 waxaa midba mar qaadayey Cayaartoyda Ronaldo iyo Messi iyada oo Ronaldo uu ku Guuleystey 3 Mar oo kala ahayd 2011, 2014 iyo 2015) halka Messi uu ku Guuleystey (2010, 2012, 2013 iyo 2017)

Hadaba hadda halkee lakala marayaa?

RACE FOR LA LIGA GOLDEN BOOT 2018

Lionel Messi (Barcelona) — 25 goals

Cristiano Ronaldo (Real Madrid) — 22

Luis Suarez (Barcelona) — 21


Antoine Griezmann (Atletico) — 17


Cristhian Stuani (Girona) — 17

Iago Aspas (Celta Vigo) — 16

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*