Lional Messi Wuxuu Joojiyay Cabidda khamriga Iyo Cunista Shukulaatada Mardambe Kuma Matagi Doono Garoonka


LIONEL MESSI ayaa shaaca ka qaaday sida uu kaga hortago inuu matago inta lagu jiro ciyaaraha kubadda cagta.

Ninka Shanta jeer ku guuleystay abaalmarinta Ballon d’Or waxa uu leeyahay caadooyin si joogta ah uu ugu isticmaalo cabitaano, shukulaato iyo buskud.

30 jirkaan ayaa dhowr jeer ku xanuunsaday garoonka, waxaana markii ugu horeysay ee uu ku matagay garoon ay aheyd afar sanno ka hor ciyaar ka dhaceysay Bucharest. Macalinki xulka qaranka Argentina Alejandro Sabella ayaa ku eedeeyay dhibaatada xiddiga Messi isticmaalka qaldan ee cunooyinka.


Giuliano Poser, oo ah takhtar talyaani ah, ayaa sheegay sanadkii 2015kii in Messi ka bogsaday dhibaatada, laakiin ciyaaryahanka uu joogteeyo cunista Shukulaatada.

Messi ayaa shaaca ka qaaday inuusan ogeyn waxa uu cunay markii ugu horeysay ee uu isku arkay xanuunkaan sanado ka hor.


“22 ilaa 23 sanno markii aan jiray waxaan aad u isticmaali jiray shukulaato oo ah nooca alfajaro iyo buskud laga isticmaalo Koonfur America iyo cabitaanno qafiif ah.

Hadda waxaan cunaa kalluunka, hilibka, khudaarta, Mararka qaar waxoogaa khamri ah, laakiin taasi maaha dhibaato” ayuu yiri Messi.

“Waxaan si dhab ah u arkay isbaddalka marka uu yimaado mataga, ugu dambeyn waan isbeddelay mar dambe ma dhici doonto inaan matago.”

Messi ayaa sidoo kale ku adkeysanaya inaysan wax saameyn ah ku yeelan doonin dadka dhaleeceynaya isaga, kuwaasoo xitaa mararka qaar qoyskiisa wax ka sheega.

Waxa uu leeyahay seddex wiil, Thiago, Mateo iyo cunugooda seddexaad oo dhashay ka hor kulankii Barcelona Nou Camp ku garaacday Chelsea

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*