Naadiga Real Madrid Oo Lacag Lagu Daray Ciyaaaryahan Kusoo Qaadaneysa Mohamed Salah.


Naadiga Real Madrid ayaa soo bandhigi doonta lacag lagu daray Lucas Vazquez si ay Liverpool kala wareegto Mohamed Salah.

Salah ayaa noqday ciyaaryahanka ugu goolasha badan Yurub ka dib markii afar gool uu ka dhaliyay kulankii Reds 5-0 kaga badiyeen Watford todobaadkii hore.

Diario Gol ayaa sheegtay in Real Madrid ay u aqoonsatay Salah ciyaaryahan ka qeyb noqon kara dib u dhiska kooxda xili aan la hubin mustaqbalkiisa Gareth Bale iyo Karim Benzema.


Kooxda heysata horyaalka La Liga ayaa dhibaato weyn kala kulmeysa Liverpool oo dalban karta lacag kabadan tan Neymar ugu dhaqaaqay PSG bishii August.

Iyadoo Real Madrid ay dooneyso inay xagaagan iska iibiso dhowr ciyaartooy, Diario Gol ayaa tilmaameysa in Vazquez oo lagu daray lacag ay bixin doonto Real Madrid.


Kooxda Real Madrid ayaa diyaar u ah inay bixiso Vazquez oo lagu daray € 150m si ay ula soo wareegaan ciyaaryahankii hore ee Roma Mo Salah.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*