Kaddib labadii Gool uu Xalay ka Dhaliyay Xulka Masar, 2-Laacib Oo kaliya ayaa ka Faro Dhaa Dheer Ronaldo


Cristiano Ronaldo ayaa xalay qaaday talaabo kale oo dheer kaddib markii uu noqday laacibka 3-aad ee ugu goolasha badan kulamada caalamiga ah ama laacibiinta goolasha ugu badan u dhaliyay xulkooda.


Ronaldo ayaa xalay labo gool oo soo daahday ka dhaliyay Masar kulan saaxiibtinimo ay 2-1 uga adkaadeen iyadoo uu Maxamed Saalax goolka la hor maray.

Labada gool ayaa uga dhignaa inuu dhaliyay goolashiisii 81-aad ee xulka Portugal isagoo kaalinta saddexaad ee xiddigaha ugu goolasha badan kulamada caalamiga ah kala baxay Kunishige Kamamoto oo 80-gool u dhaliyay xulkiisa Japan.


Kaliya Ferenc Puskas (84-gool u dhaliyay Hungary iyo Spain) iyo Ali Daei (109-gool u dhaliyay, Iran) ayaa ka goolal badan Ronaldo.

Lionel Messi ayaa isaga xulkiisa Argentina u dhaliyay 61-gool.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*