Maxaa Ka Jiro In Laacibkan uu Dalabyo Ka Soo Gaareen Man United Iyo Juve


Wakiilka daafaca middig ee Arsenal Hector Bellerin ayaa ka xog warramaya xaaladda kalyantigiisa. Wakiilka waxa uu qishay in Spaniard-ku ju faraxsan yahay joogidda Emirates.


Laacibka waxaa lala xiriirinayaa in uu ka tago kooxda Wenger halka qiimaha adag ee lagu kala iibsan karo ay dhaqaale xoog leh soo galin doonto Arsenal.

Mirror waxa ay fahansan tahay in United ay indha indheeneyso xaaladdiisa balse haddii uu bixin taataan xaalkiisa ku dameeyo waxa uu gacanta sare leh Juventus.

Dilaalkiisa, Albert Botines waxa uu sheegay wali in uusan dalab ka soo gaarin kalyantigiisa balse uu qadirn siin doono Juve, sidaas waxaa warisay Football London.

“Ma jiro qandaraas uu galay Bellerin, cid igala soo hadashay ma jirto,” ayuu yiri.


“Wuu faraxsan yahay, dhawaan ayuu cusbooneysiiyey oo si joogta ah ayuu u ciyaaraa. Waa run  ciyaaryahan kasta uu doonayo in uu koro, laakii hadda wey adag tahay in aan aragno isaga oo tagaya.

“Buluugga wey xiiseenayaan qaar ka mida kalyantiyadeyda waana dhageysan doonaa, maxaa wyeelay – sida Juventus – Napoli kaliya Italy kama aha kooxo waa weyn laakiin hadda xataa Europe.”

Marka laga yimaado in Juventus dhawaantan muujisay xisiaha ay u qabto Spaniard-ka hadana waxa ay u weecato dadabka middig ee United Matteo Darmian.

Laacibka reer Italy tan iyo markii uu Manchester United ku soo biiray waxba uma hagaagin oo fursadaha Old Trafford uu ka helayey waa kuwo yaraa oo hadana kala fogaa.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*