Wararkii Wargeysyada Yurub Iyo Wararkii Ugu Dambeeyay Oo Ay Qoreen Maanta Oo Khamiis Ah.


Suuqa kala iibsiga ayaa xiran, laakiin kooxaha waaweyn ee qaarada Yurub ayaa soo bandhigaya xiiso ay u qabaan ciyaartooy cusub.

Halkaan waxaan idinku soo gudbin doonaa wararkii ugu dambeeyay suuqa kala iibsiga ciyaartooyda ay ka qoreen wargesyada waaweyn ee ka faalooda ciyaaraha maanta oo Khamiis ah.

Kooxda Manchester City ayaa wadahadal la fureysa Raheem Sterling oo 23 jir ah ka hor dhamaadka xilli ciyaareedkan. Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka England ayaa waxaa labo sanno uu ka haray qandaraaskiisa. (ESPN)


Kooxda Tottenham ayaa dooneysa xiddiga qadka dhexe ee Sporting Lisbon Bruno Fernandes, oo 23 jir ah, laakiin waa inay bixiyaan 87 milyan oo ginni (Abola – Portuguese)

Macalinka xulka England Gareth Southgate ayaa ugu baaqay ciyaaryahanka khadka dhexe ee Spurs Dele Alli oo 21 jir ah inuu muujiyo ixtiraam garoonka dhexdiisa haddii uu doonayo inuu boos ka helo xulkiisa Koobka Adduunka. (The Times)

Macalinka Kooxda Liverpool Jurgen Klopp ayaa la sheegay in hogaamiyaha Jarmalka iyo Bundesliga Bayern Munich u dhaqaaqi doono. (Sport1 – Jarmalka)

Kooxda Arsenal ayaa wadahadalo la furtay daafaca Freiburg Caglar Soyuncu oo 21 jir ah. Ciyaaryahanka caalamiga ah ee reer Turkey ayaa lagu qiimeeyaa 30 milyan oo ginni haddii uu ka tagayo kooxda Bundesliga ka dhisan. (Maail)


Kooxda Chelsea ayaa ku dhow inay la soo saxiixato wiil dhalinyaro ah oo u dhashay dalka Holland oo lagu magcaabo Jayden Braaf oo 15 jir ah kana u ciyaara PSV Eindhoven. Manchester City, Manchester United, West Ham iyo Bayern Munich ayaa dhamaantood xiiseynaya (Mail)

Kooxda Everton ayaa ku dagaalameysa saxiixa ciyaaryahanka khadka dhexe ee Arsenal Jack Wilshere oo 26 jir ah haddii uu ka tagayo kooxda xagaagan. (Star)

Ciyaaryahanka garabka uga ciyaara kooxda Crystal Palace Andros Townsend ayaa rajo ka qaba inuu u ciyaaro England tartan weyn, inkastoo 26 jirkaan uusan matalin xulka dalkiisa tan iyo bishii November 2016.

Kooxda Watford ayay u badan inay ku iibiso 40 milyan oo ginni xididga khadka dhexe ee Abdoulaye Doucoure, oo 25 jir ah xagaagan, Liverpool, Tottenham iyo Arsenal ayaa dhamaantood xiiseynaya xiddiga reer France. (Mirror)

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*