Garsoorayaasha Qaban Doona Ciyaaraha Champions League Ee Habeenka Talaadada Oo La Shaaciyay


Xiriirka kubada cagta qaarada yurub ayaa garsooraha reer Turki ee Cuneyt Cakir u xushay in uu dhex dhexaadiyo kulanka habeenka Talaadada Turin ku dhex mari doona Juventus iyo Real Madrid.

Sidoo kale UEF ayaa ku dhawaaqday in garsooraha Talyaaniga ah ee Daniele Orsato uu qaban doono kulanka xiisaha badan ee Ramon Pizjuan Sanchez ay ku ciyaari doonaan Sevilla iyo Bayern Munich.


Cuneyt Cakir ayaa markii 9-aad taariikhda dhex dhexaadin doona ciyaar ay ku lug leedahay Los Blancos, kooxdaasi ayaana qasaartay laba kulan oo garsooraha reer Turki uu maamulayo.


Dhanka kale garsoore Daniele Orsato ayaa waxaa aad aan ugu farxi doonin jamaahiirta Sevilla, maadaama sanadkii hore la xasuusto in Samir Nasri iyo tababarihii xiligaasi ee Sevilla uu ku amray in ay sheeda sare ka daawaan ciyaar Champions League ka tirsaneyd oo Leicester City ay ka hortageen.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*