Falanqeynta Kulanka Xiisaha Leh Ee Kooxaha Arsenal vs CSKA Moscow- Arsenal Oo Rajo Ka Leh Hanashada Europa League


Kooxda Arsenal ayaa soo dhaweyneysa Kooxda CSKA Moscow lugta hore ee wareega quarter-finalka Europa League, iyadoo rajeyneysa inay ku guuleysiga tartakaan ku xaqiijiso usoo baxista Champions League xilli ciyaareedka soo aadan.

Kooxda Macalin Arsene Wenger ayaa rajeyneysa inay guuleysato kulankeedii afaraad tartamada oo dhan, halka kooxda Ruushka ay wareega soo gaartay markii ay soo garaaceen kooxda Lyon.

OGEYSIISKA CIYAARTA:

GAROONKA: Emirates Stadium

SAACADA: 10:05 PM

MAXAA CUSUB?

Alexandre Lacazette ayaa kusoo laaban kara kooxda Arsenal kadib markii uu ciyaaray kulankii Stock City ka badiyeen Gunners.

Pierre-Emerick Aubameyang oo sharci ahaan ciyaari Karin tartankaan iyo Danny Welbeck oo la dhibtoonaya dhaawac jilibka ah ayaa seegaya ciyaarta caawa.

Waxaa sidoo kale laga yaabaa in Peter Cech maqnaado markale, iyadoo David Ospina fursad uu u heli doono inuu kasii ciyaaro goolka Arsenal.

Henrikh Mkhitaryan oo laba gool iyo seddex caawin ka sameeyay tartankaan islamarkaana la nasasiiyay kulankii Stoke, ayaa diyaar ah caawa.

CSKA ayaa soo dhaweyn doonta Pontus Wernbloom iyo Ahmed Musa, halka da ‘yarka Aleksandr Golovin khadka dhexe kusoo bilaaban doono.

Kirill Nababkin ayaa ku seegi doona ganaax ciyaartaan, halka Mario Fernandes iyo Viktor Vasin ay la maqan yihiin dhaawac.

XAQIIQADA KULANKA:

Labada kooxood ayaa labo jeer oo isku xiga ku kulmay tartanka Yurub, Gunners ayaana ka rikoor fiican CSKA.


Kooxahaan ayaa markii ugu dambeysay ku kulmay wareega group-yada ee Champions League xili ciyaareedkii 2006-07.

Gunners ayaa laga badiyay afar ka mid ah sideedii kulan ee ugu dambeysay oo ay ka horyimaadeen kooxaha reer Ruushka.

SAFAFKA MACQUULKA AH:

Kooxda Arsenal:Ospina; Bellerin, Mustafi, Koscielny, Monreal; Ramsey, Xhaka; Ozil, Wilshere, Mkhitaryan; Lacazette


Kooxda CSKA Moscow: Akinfeev; A. Berezutski, V. Berezutski, Ignashevich; Kuchaev, Dzagoev, Natkho, Golovin, Milanov; Musa, Wernbloom

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*