Madaxweeyne Maxamed Farmaajo Ma Hogaamin Karo Soomaaliya!!!


Tan Iyo Markii la Soo Doortay Madaxweynihii ugu Shacbiyada Badnaa Bishi Febrayo 2017/2/8 Maxamed Cabdulaahi Farmaayo ayaa Naqday Mid ay Shacabka Soomaaliyeed Sidii laga Doonayay usan Naqan 

Xaalada Siyasada uu Galay Doorshadiisa Ka dib:

Waxaa Dhacay Weeraro lagu Qaaday Siyaasiyiin iyo Senetar iyo In Muwadin Soomaaliyeed Lagu Wareejiyo Dowlada Itoobiya.

Sidoo kale Waxaa Dalka ka Dhacay Jahwareer Siyaasadeed Kaasi Oo u Dhaxeeya Heyadaha Fulinta iyo Sharci Ilaalinta, Hase ahaatee Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Farmaajo ayaan Naqan Ninkii Lagu Hanweyaa Wayo Waxa uu kala Saari Waayay Xaalada Siyaasadeed ee Cakiran uu Dalka Galayo.

Inkastoo Dadka Qaar ay Sheegayaan in uu Isaga Ka Danbeeyo Isqab-qabsiga Taagan Waayo Waxa uu Ku Fakirayaa Dhowr Arrimood in uu Sameeyo

1:In uu Ciidamo Ka amar qaato uu Dhisto Asigoo u Isticmaalaya  Qofkii uu  u arko in ay ka fakir Duwan tahay Siyaasadiisa  Ku Burburiyo Sidii Shalay Ka Dhacday Gollaha Shacabka.

2:In uu Kala Diro Gollaha Shacabka Asigoo uga Faaideeysanayo In uu Dalka Sida uu Doona Ka Sameeyo Madaama aysan Jirin Hey’adii Ilaalinta Sharciga.Ama uu Keensado Qof aan Aqoon u Laheeyn Sharciga Dhoorista Dalka-iyo Dadka.

3:Ujeedka uu Leeyahay ayaa ah in aan Madaxtooyada laga Saarin Si Fudud Waayo Waxa uu Aaminsan Yahay ayaa ah in uu Dalka Ku Maamulo Awood Ciidan.

Ugu Danbeeyntii  Bulshada Soomaaliyeed ayaa Ku Tilmaamay In Madaxweeyne Maxame Farmaajo uusan Laheeyn Calaamadaha Hogaaminta Sida:


1:Ma lahan Hal Abuur 

2:Bulshada Soomaliyeed Ma Deeqsiin Karo Hadal Fiican “dadka Soomaliyeed Waa Raqiis” Hadii uu Hadlo Waxa ka Soo Yeera Hadalo aan Wanagsaneen

3:Waa Nin Jilicsan  aan Kala Qeexi Karin Shaqada Dowlada Waana Nin Ku Fakiraya In Dalkaan uu u adeegsado Awood Ciidan.

4:Waa Nin Ku Mashuula Kala Diritaanka Mamulo Dhisan Malahan Karti  uu Wax Wanaajiyo Ama Ku Dhiso.

Hadaba Qofka Nuucaasi ah Ma Naqan Karaa Hogaamiye ?Waayo Dalka Soomaaliyeed Waa Burbursan Yahay Waxaana Laga Keenay Meel aad u Fog Marka Halkii uu Ka sii Wadi Lahaa ayuu Madaxweeyne Maxamed Farmaajo Ku Mashquulay in uu Dalka Dib ugu Celiyo Xaalad Gumeeysi Sida Dhacday Malintii Shalay Kadib Markii ay Xaalda Soo Faragelisay Taliska AMISOM. Waxaana ay  Amar Ka Soo saareen in aan Waraq danbo laga soo saari Karin Xafiisyada Dowlada Muranka u Dhaxeya Gollaha Shacabka iyo Hey’ada Fulinta.

 

 


W/Q Maxamed Deeq

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*