Madaxweeyne Maxamed Farmajo”Ma Doonayo in uu Saxiixo Waraqada Dalka Looga Mamnuucay Shirkada DP World”


Xildhibaanada Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya   Iyo Xildhibaanada Gollaha Shacabka ayaa kullankooda ugu Horeeyay waxay ku ansixiyeen Xeerka dhowridda midnimada iyo Gobanimada Soomaaliya  Waxaana ay Si Aqlabiyad Leh ay Dalka uga Mamnuuceen Shirkadda Dp World.


Goaanada Dalka Looga Mamnuucay Shirkada DPWorld Waxaana uu Dhaqan Galayaa Markii uu Madaxweeynaha Dalka Saxiixo Hase ahaatee  Wali Ma uusan  Saxiixin Madaxweeynaha Somaliya Maxamed C/laahi Farmaajo. Ayadoo ay Waraaqaha ay Xafiiskiisa Yaalaan Mudo Ku Dhaw Sedex Todobaad.

Dhinaca Kale Shirkada DPWorld ee Dalka Laga Mamnuucay ayaa Ka Hortimid Goaanka Gollayaasha  Laba aqal Midka Sare iyo Goolaha Shacabka Waxaana ay Ku Tilmaameen Go,aan Waxba Kama Jiraan, Balse Sida Hada Muqaato ayaa ah Mid ay Ku Saxan Yihiin Jawaabaha ay Ka Bixiyeen Shirkada DP World Waayo Wali Waxaa Ka Ammusan Oo aan Waraaqadihii aan Saxiixin Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Farmaajo Waxaana ay Yaalaan Xafiiskiisa Mana Doonayo in uu Saxiixo Waqtigaan.

Sidoo kale  Shacabka Soomaaliyeed Waxaa  ay Shaki weeyn ay Ka qabaan Madaxwweynaha iyo R/Wasaaraha in ay Hishiisyo Hoose La Soo Galeen Shirkada DPWorld iyo Shirkada Kale in ay Dalka u saxiixaan Maxaa yeelay Waxa ay Weeraro Cad Ku Qaadeen Guddomiyaha Gollaha Shacabka Mudane Maxamed Cismaan Jawaari Weerarkaasi Oo ahaa Maxaad  ugu Qaaday Cod Mooshin ah Shirkada DP World.


Ugu Danbeeyntii Khilaafka Xoogan ee ka dhex Jiro Gollaha Fulinta Iyo Gollaha Sharci ilaalinta  ayaan u Muuqan Mid Xal laga Gaari Karo Waayo Waxa uu Marayaa in Halkii ugu Sareesay uu Gaaro Khilaafka Sidoo kale Waxaana Dowlada lagu eedeeyay in Ciidamada Amniga ay u adeegsatay Si Khaldan Waxaana ay Magaalada Muqdisho Ka Soo Buuxiyeen Ciidamadii Furumaha Joogay.

Inkastoo Shacabka ay leeyihiin Ciidamada La keenaya Magaalada Muqdisho Maa Looga Hortago Alshabaab. 

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*