
Kulan ay isugu Yimaadeen Wax Garadka iyo Siyaasiyiinta Beesha Mudulood Waxa ay Kaga Hadleen Arrimo Badan Oo Xasaasi ah uu Dalka Marayo Waxaana ay Xooga Saareen Sidii Bulshada Loo Wacyi Gelin Lahaa Dhamaan Gobolada ay Degan Yihiin Sida Labada Shabeelle Iyo Banaadir.
Sidoo kale Siyasiyiinta iyo Wax Garadka Kulankaasi Ka Hadlay ayaa Sheegay in Ay Ka Tabanayaan Dhibaatooyin Badan Dhinaca Maamulka Konfur Galbeed Soomaaliya uu Madaxweeyne Ka Yahay Shariif Xasan Shiiq Aaden in aysan Ka Helin Xaqii ay Ku Lahaayeen Beelweeynta Mudullod,
Sidoo kale Waxa ay Sheegeen in ay Degan Yihiin Degaano Badan “Waxaa Nahay Dadka ugu Badan ee Canshuurta Laga qaado Mana Doonayno in Nala Dulmiyo” Sidaa Waxaa Yiri Mid Ka Mid ah Wax-garadkii Ku Sugnaa Goobta.
Waxaana ay Ka Soo Saareen baaq Oo Ka Kooban Dhowr Qodob ah.
1:Hadii aan Nahay Bulshada Mudullod ee Degan G/sh/Hoose Waxaan Maamulka Konfur Galbeed ugu Baaqeeynaa In aan Xaq u leenahay in aan Helno Kursiga Madaxweeyne Ku Xigeenka 1aad ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya .
2: Hadii aan Nala Siin Kursigaasi Waxa aan Dowlada Soomaaliya Iyo Bulshada Ku Nool Maamulka Konfur Galbeed Soomaaliya Iyo Beesha Caalamka u Sheegaynaa In aan Kalsoonida Kala Laabanayno Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
3:Hadii aan La Fulin Shuruudaha aan Soo Sheegnay Waxa aan La Midoobi Doonaa Maamulka Hirshabelle. Hadii aan Nahay Bulshada Mudullood ee Ku Nool G/SH/Hoose
4:Waxa aan Cambaareeynaynaa Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Tacadiyada iyo Dhibaatooyinka Loo Geeysanayo Shacabka Beelweeynta Mudullod ee Ku Nool G/SH/Hoose. Waa In la Joojiyaa Tacadiyada lagula Kacayo Shacabka Masaakiinta ah Sida Kuwa Xoola Dhaqatada ah iyo Beeraleeyda.
Wabilaahi Toofiiq
Kala Xariir Balcad110@hotmail.com
Xafiiska Warbaahinta
www.ceelbarafonline.com
Muqdisho
Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso