M/Weeyne Farmaajo iyo R/kheyre Oo Xalka Ku Xun yahay “Waa Musharxiin u Taagan Xilka Guddomiyaha Barlamanka”


Tan iyo Markii Mooshin laga Keenay Guddomiyaha Gollaha Shacabka Soomaaliyeed Prof Maxamed Cismaan Jawaari ayaa Xaalada Soomaaliya Waxay ay Wajahday Qal-qal Siyaasadeed ayadoo uu Dagaal u Dhaxeeyay Hey’adaha Dowlada iyo Gollaha Sharci ilaalinta.

Sidoo kale Magalada Muqdisho Waxa ay Soo Martay Maalmo Murugo iyo Mashaqo Leh  Ka Dib Markii Mooshin Laga Keenay Guddmiye Jawaari, Dagaal Siyaasadeed Oo u  Dhaxeeyay Xildhibaanada Gollaha Shacabka,

Xildhibaanada Taageersan   Guddomiye Jawaari ayaa Ku Andcoonayay in Cod Sir ah loo Qaado Halka Kuwa Kale  ay leeyihiin  Waa in Cod Gacan Taag ah Loo qaadaa.

Si kastaba Ha ahaate Maamlo Kadib Waxaa is Casilay Guddomiyahii Gollaha Shacabka Soomaaliya Prof:Maxamed Cismaan Jawaari. Inkastoo uusan Wali Si Rasmi ah u Soo Gudbin Xilka Guddomiyaha. 

Hadaba Yaa Bedeli Doona:

Sida Ku Cad Xeer Hoosaadka Barlamaanka Soomaaliya ayaa ah In Mudo 15 Maalin Gudahood Lagu Soo Doorto Guddomiye Cusub:

Maxaa Soo Baxaya:

Wararka ayaa Sheegaya in ay Jiraan Musharaxiin  Doonayo Xilka Guddomiyaha Barlamanka Soomaaliya Kuwaasi Oo kala ah-

1:Xildhibaan Cabdirashiid Xidig 

2:Xildhibaan Caddow Cali Gees  

Siyaasadii ayaa Mar kaliya Waxaa  Ku Dhacay Isbedel iyo Jahwareer Hor leh Waayo Halkii ay Ku Socotay Siyaasada Madaxweeyne Maxamed Farmaajo iyo R/Wasaare Xasan Kheeyre ayaa Is Bedeshay Kadib Markii ay Soo IF Baxeen Wararka Sheegaya in ay Jiraan Musharaxiin aan aheeyn Beesha (Digil iyo Mirifle) Kuwaasi Oo Ka Soo Kala Jeeda Beelaha Hawiya iyo Daarood  Sida ay Ku Dhisan tahay Dowlada Soomaaliyeed ee Habka awood qeeybsiga  5 beelood . 


Sidoo kale Waxaa Jira Warar sheegaya in Beesha Digil iyo Mirifle ay Iska Diideen in ay Isku Soo Sharaxaan Kursiga Guddomiyaha Gollaha Shacabka ayagoo Doonaya In ay Ka Faaideeystaan Fursadan Soo Martay Oo ah Hadii ay Beelaha kale Sida Hawiye Ama Daarood Midkood Ku Guuleeysto Kursiga Guddomiyaha ay Helayaan Madaxweeyne Ama R/Wasaare.


Sidee ayay Beesha Digil Iyo Miriflr uga Faaideysan Karaan Fursadaan :

Hadii uu Doorashada Ku Guuleeysto Nin Ka Socda Beesha Hawiye Waxaa Si Toos ah Qadka uga Baxayo R/Wasaaraha Xasan Cali Kheyre Sidoo kale Hadii uu Doorashada Ku Guuleeysto Nin Ka Socda Beesha Daarood Waxaa Si Toos ah Xilka uga Dagaya Madaxweeyne Maxamed Farmaajo. Waa Nidaamka Awood Qeeybsiga Beelaha Soomaliyeed ,

Si kastaba Ha ahaatee  Madaxweeyne Maxamed Farmaajo iyo R/Wasaare Kheeyre ayay Ku Adkaatay Hoosha Waayo Waxa ay Ciyaarayeen Siyaasad Kale Balse Waxaa Mar Kaliya isbdelay Damacoodi ahaa In ay Ku Guuleeysteen Xil ka qaadista Guddomiye Jawaari. 

Laakin Dadka Ka Faalooda Siyaasada Soomaaliya  ayaa Sheegay in ay Muuqato in Mar kale uu Sii Hayo Xilka Guddomiye Jawaari Waayo Hadii ay Arkaan Madaxweeyne Farmaajo iyo R/Wasare Kheeyre  in uu Midkood Meesha Ka baxayo Waxa ay Ku Soo Celinayaan Kursiga Guddomiye Jawaari.  Ayagoo Sabab uga Dhigay in ay Dib u Dhigaan Iscasiladii uu Kaga Hor Dhawaaqi lahaa  Xildhibaanada Gollaha Shacabka Hortooda Balse Waxaan Sugnaa Maalmo Sida ay Wax Naqdaan,

Ugu Danbeeyntii Shacabka Soomaaliyeed Waxaan u Rajeeynayaa Guul iyo Gobanimo

 

W/Qoray Liibaan Balcad

balcad110@hotmail.com

 

Xafiiska Warbaahinta Muqdisho

Www.Ceelbarafonline.com

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*