Cayaartooy u dhalatay Cameroon oo ka goostay xulkooda xilli ay joogeen Australia


Siddeed cayaartooy oo dalka Cameroon uga qaybgalaysay cayaaraha ururka dalalka barwaaqo-sooranka ee ka socda dalka Australia ayaa la sheegay in la waayay, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha kooxda.


U qeybsanaha warbaahinta Simon Molombe ayaa BBC-da u sheegay in saraakiisha cayaaraha dalka Cameroon ay u arkaan ‘dad la waayay meel ay aadeen” ayna ku wargeliyeen booliska waddanka Australia.


Saddex cayaartooy oo ah kuwo miisaanka culus qaada iyo shan feeryahan ayaa la sheegay in markii araggooda dad ugu war dambaysay ay ahayd isniinti iyo taladadii.

Dowladda Cameroon waxay sheegtay in kooxda cayaartooyda uu fiisahoodu shaqaynaayo illa 15 bisha May.

Malombe ayaa waxaa uu sido kale sheegay inay ka walaacsan yihiin maqnaanshaha cayaartooyda islamarkaana sheegay in qaarkood aysan tartamin.

Waxaa uu intaasi ku daray inay ku rajo wayn yihiin inay kusoo laaban doonan xaafadahooda ayna lasoo safri doonaan kooxda kale.

Dowladda Australia ayaa u digtay cayaartooyda inay iskala sii haraan fiisahooda marka uu wakhtiga ka dhaco.

Ururka maamulo cayaaraha barwaaqo-sooranka ayaa waxay sheegeen inay dusha kala socon doonaan xaaladda cayaartooyda oo ay sheegeen ‘inay xaq u leeyihiin inay ku safri karaan fisaahooda’

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*