FIIRSO:Maamulka Soomaliland”Qof aan Wadan Basaboor Kama Dhoofi Karo Hargeeysa”


Maamulka Soomaaliland ayaa Amaro Ku soo Rogay Dadka isaga goosha Hargeysa iyo Muqdisho Kuwasii Oo Ku Qasbay In dadka ay La Yimaadaan Basaboor Hadii aysan Heysana aysan Ka Dhoofi Kari Hargeysa.

Sidoo kale Shacabka ayaa sheegay in ay caqabad kala kulmeen go’aanka Maamulka Somaliland ay ku mamnuucday in basaboor la’aan  loogu kala dhoofi Karin  Hargeeysa iyo  Muqdisho haddii uu qofku raacayo diyaarad.

Arrintan ayaa sababtay in dadka doonaya in ay Muqdisho u socdaalan Safar Dhulka ah ayagoo Tagaya Magaalada Garawe Si ay Halkaasi ay Diyaarad uga sii Raacaan.

Dhinaca kale Shirkadaha Diyaaradaha ayaa sheegay in ay suuq la,aan ku dhacday Kadib markii lagu soo Rogay Xanibaada ah in aan laga dhoofi Karin Baasaboor la.aan Goroonka Diyaradaha Hargeysa.

Dhanka kale Waxaa Suuq Wanaagsan Helay Gaadidka Isaga Kala Goosha Magalooyinka Hargeeysa Iyo Garawe Kuwaasi Oo sheegay in ay Heleen Macaamiil Wanaagsan ayadoo Markii Hore ay Magalada ka bixi Jireen 5 Baabur Balse hada Malintii Waxaa Baxa Babuur Badan.


Si kastab ha ahaate Tani waxa ay Culeeys ku tahay shacabka Oo Doonaya in ay u kala safraan magalooyinka Muqdisho Iyo Hargeeysa.


Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*