Madaxweeyne Xaaf”Waa In Si deg Deg ah Loo Qabtaa Dorashada Kursigii Xildhibaan Bootaan”


Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaran Xaliimo Ismaaciil (Xaliimo Yarey) ayaa sheegtay 15-ka Bishan in Magaalada Dhuusamareeb ay ka qabsoomayso Dooarashada Kursigii uu ka geeriyooday Bootaan Ciise Caalin oo dalka India ku geeriyooday, 19-kii March 2017-kii.

Waxa ay sheegtay Odayaasha iyo Ergada masuulka ka ah Kursigaasi in laga doonaayo U diyargarowga doorashada iyo in ergada ay sii tagaan Magaalada Dhuusamareeb oo ah halka doorashada ay ka dhaceyso.

Xaliimo Yarey ayaa sheegtay nidaam kasta oo salka ay ku hayso Doorashada inay masuul ka yihiin Guddigooda, balse xubnaha Ergooyinka ee Doorashada ka qayb galaya looga baahan yahay in ay isa soo diyaariyaan kaliya.

Gudoomiyaha Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka ayaa tilmaamtay in ay bilaabeen hubinta Ergooyinka, sidoo kalena ay xaliyeen wixii tabasho ah, islamarkaana doorashada ay ku dhaceyso sidii loogu talo galay.


Sidoo kale waxa ay sheegtay Xaliimo Yarey Doorashada kursigan in ay kulan gaar ah kala yeelan doonaan Madaxda Galmudug oo uu ugu horeeyo Madaxweynaha Maamulkaas Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf).

“Waxaan u nimid inaan kursigaas Doorashadiisa qabano, wixii faah faahin ah Madaxda Galmudug ayaan kala hadli doonaa, Madaxweyne Xaaf ayaa naga codsaday inaan si deg deg ah ku qabano Doorashada kursiga uu ka geeryooday xildhibaan Bootaan.” Ayay tiri Xaliima Yarey.


Doorashadan ayaa sida uu qorshaha yahay waxaa goob joog ka noqon doona Guddiga Doorashooyinka, Wasiirka Arrimaha Gudaha Maamulka Galmudug, Maamulka Gobolka kan Degmada, Ururada Bulshada Rayidka iyo Saxaafadda.

Kursiga uu ka dhintay Allaha u naxariistee Xildhibaan Bootaan Ciise Caalin, ayaa waxaa muddo ka taagnaa muran, inkastoo hadda la soo afjaray arrintaasi oo la shaaciyay waqtiga Doorashada ay dhaceyso.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*