SAWIR:Taliyaha qeybta 27 aad ee ciidanka Xooga Gen: Maxamuud Koronto Oo Gaaray Degmada Mahadaay


Wararka laga Helaayo Degmada Mahadaay ee G/sh/dhexe ayaa Sheegaya in Ay Halkaasi Gaareen Wafdi ka Socda  Maamulka Hirshabelee iyo Taliyaha Ciidamada Xooga Qeeybta 27 Janeral Maxamed Maxamuud Koronto .


Ujeedka Socdaalka  ayaa ahaa ka qeybgalka munaasabad uu xilka kula wareegayay guddoomiyaha cusub ee degmadaasi Mahadaay ee Gobolka SHabeelada Dhexe,iyadoo halkaasina lageeyey ciidamo lagu xoojiyo amniga deegaankaasi,

Guddoomiyaha cusub ee Dagmada Mahadaaye   Axmed Xuseen Afrax oo maanta xilka la wareegay ayaa ka codsaday bulshada in ay kala shaqeeyaan amniga iyo horumarka deegaanka.


Sidoo kale Taliyaha qeybta 27aad ee Ciidanka xoogga dalka Maxamed Maxamuud Macalin Koronto oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in la xureyn doono dhammaan deegaannada Hir-shabeelle inta ka maqan gacanta Dowlada Soo Gali Doonaan Waa Sisa uu Yiri.

Taliye Koronto ayaa intaasi ku daray in dhawaan ay qaadi doonaan howlgal ballaaran oo Alshabaab looga sifeynayo deegaanada ay kaga sugan yihiin Hirshabeele.

Inkatoo aysan aheeyn Markii Koowaad ee Xilka Loo Magacaabo Guddomiye Axmed Xuseen afrax  Balse Waa  Markii labaad ee La Soo Magacaabo Hase ahaatee Inta uu Xilka Hayay Degmada Mahadaay Wax la Tabaan Karo Kuma uusan Soo Kordhin ayadoo ay  Dadka Degaankaa ay Isweeydiinayaan Sababta Keentay In mar kale Loo Soo Magacaabo Guddomiye Axmed.

http://ceelbarafonline.com

Image may contain: 1 person, outdoor

http://ceelbarafonline.com

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*