Diyaradii Imaaratka Oo Ku Xayirneed Garoonka Boosaaso Oo La Sii Daayay


Wararka naga soo gaaraya Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa sheegaya in Diyaarad qaadi lahayd Tababarayaal Ciidan oo u dhashay Dalka Imaaraadka Carabta ay ku xayiran tahay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Boosaaso.

Arrintan waxaa ay timid kaddib markii Diyaaradda ay soo caga dhigatay si ay u qaado Saraakiisha Ciidanka Imaaraadka ee tababarka siiya kuwa Puntland kuwaas oo sugnaa Puntland.

Hayeeshee Ciidamada amaanka Garoonka Diyaaradaha Boosaaso ayaa waxaa ay damceen in ay baaritaan ku sameeyaan Boorsooyinka ay wataan saraakiisha ka baxayay Puntland ee Dhinaca Imaaraadka ku wajahnaa.

Tababarayaasha Ciidanka ee u dhashay Imaaraadk ayaa diiday in la baaro Boorsooyinka ay wataan waxaana ay dalbadeen in toos diyaaradda Garoonka ku jirta ay ula tagaan.

Ugu danbeeyntii Diyaarad laga lahaa wadanka Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa ka duushay magaalada Boosaaso kadib markii saacado ay ku xayirneyd garoonka.


Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in diyaaradan ay ka qaaday magaalada Boosaaso macalimiin tababaraysay ciidamada Badda ee maamulka Punland kadib markii uu xumaaday xiriirka u dhexeeya wadamada Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta.

Saraakiisha ka socotay Imaaraadka Carabta iyo ilaalada garoonka ayaa khilaaf soo kala dhex galay awgeed waxaa ay sababay in diyaarada saacado ku xayiranto garoonka diyaaradaha.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in tababarayaasha ay ugu dambeyntii oggolaadeen in la baaro boorsooyinka ay wateen ayna reebaan hub ay siteen.

Sidoo kale waxaa wararka ay sheegayaan in loo diiday markab sitey calanka Imaaraadka Carabta in uu hub ka qaado dekeda, waxaana socda wadahadalo arrintan lagu xalinayo.


Khilaafka u dhexeeya Imaaraadka Carabta iyo Dowlada Soomaaliya ayaa sii xumaanaya waxaana dhacdadan ay ku soo beegantay xilli Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo uu ugaga qeybgalayo Boqortoyada Sacudi Carabiya waxaana dhici karta in halkaa uu kula kulmo madax ka socota Imaaraadka Carabta.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*