C/Raxaman C/shakur”Waa La iiga qaaday Xayiraadii Safarada”


Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame ayaa la sheegay in dowladda Soomaaliya ay xayiraadii dhanka Safarada ah ay ka qaaday kadib markii Xeer ilaalinta Qaranka ay ku soo eedeysay fal la xiriira qiyaano qaran.

Siyaasiga  ayaa horay 17 Bishii December Sanadkii tegay ee 2017,waxaa hooygiisa weeraray Ciidamo ka tirsan kuwa Nabad-Sugida Sooomaaliya,iyaga oo xiligaas dilay 6 ka mid ahaa ilaaladiisa.

Shalay gelinkii dambe ayuu ka dhoofay Garoonka diyaaradaha Aadan cadde ee Magalada Muqdisho ,waxa uuna Bartiisa Facebook ku soo qoray in uu safar u yahay dalka Kenya,isaga oo soo bandhigay sawir muujinaya in uu ku sugan yahay Garoonka diyaaradaha Aadan cadde isaga oo ku wajahnaa dalka Kenya.

Illo ku dhow dhow Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame ayaa waxa ay  sheegeen in siyaasiga ay Maxkamada ka qaaday xayiraadii dhanka safarka ahaa,isla markaana dowladda ay ka noqotay dacwadii ay horay uga soo oogtay.


Maxkamada Gobolka Banaadir ayaa horay u siideysay Siyaasiga kadib markii guddoomiyaha Maxkamada Gobolka Banaadir uu sheegay in Siyaasiga uusan laheyn wax dembi ah,waxana intaasi kadib hadana dacwad ku soo oogtay xeer ilaalinta Qaranka,iyada oo racfaanka qaadatay go’aankii Maxkamada Gobolka Banaadir ay ku fasaxday.


Tallaabada xayiraadii dhanka Socdaalka ahaa looga qaaday siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame ayaa la sheegay in kaalinta ugu weyn in uu ka qaatay Wasiirka Arrimaha gudaha Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye oo ay iskuheyb yihiin,waxaana warar soo baxaya ay  sheegayaan in dowladda ay bixisay Diyada Askartii ku geeriyootay weerarkii lagu qaaday Hoyga Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame.

Weerarkii lagu qaaday 17 Bishii December ee Sanadkii 2017 Guriga Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame ayaa waxaa ka dhalatay dood adag iyo xiisad Siyaasadeed,waxana intaasi wixii ka dambeeyey dadaalo lagu xalinayey khilaafka soo kala dhex galay Dowladda iyo siyaasiga oo aad u dhaliila.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*