Cabdullaahi Faarax Weheliye Oo Ku Guuleystay Doorasho Ka Dhacday Dhuusamareeb


Ayadoo ay Soo gaba gaboowday doorashada kursi ka banaanaa golaha shacabka ee Soomaaliya, taas oo ka dhacay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug.

Kursigaas maanta loo tar tamay ayaa waxaa ka geeriyooday Allaha u naxariistee xildhibaan Bootaan Ciise Caalim.

Kursigaan ayaa waxaa u tar tamay sadex Musharax oo kala ah.

1-Cabdulahi Faarax wehliye oo ah Wasiiru  dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda fedraalka Soomaaliya


2-Maxamad Cilmi Afrax .

3- Cabdullaahi Xersi.

Waxaana codadka ay u heleen sidaan:-

Cabdullaahi Faarax Weheliye 28  Cod

Maxamad Cilmi Afrax 17 Cod

Cabdullaahi Xersi 3  Cod


Iyo sidax cod oo halaawday 3Cod

Markii ay soo gaba gaboowday codbixinta doorashadaan ayaa natiijada ka soo baxday waxaa ku dhawaqay guddoomiyaha guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka Xaliimo Ismaaciil Xaliimo Yarey waxayna sheegay in doorashadii maanta dhacday ku guuleystay Xildhibaan Cabdulaahi Faarax Weliye oo ah Wasiiru  dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda fedraalka Soomaaliya, oo  hadana ka mid noqonaya Baarlamaanka Soomaaliya.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*