Gudoomiye Cismaan Barre Oo Shaqadiisii Gabay Iyo Khilaaf Ka Dhax Taagan Baarlamaanka Hirshabeelle?


Waxaa soo if baxaya khilaaf u dhaxeeya mudanayaasha baarlamaanka Hirshabeelle, kuwaas oo ku kala qeybsamay kulamada baarlamaankaas oo qaar ka mid ah xildhibaanada ayaa sheegay in uusan qab soomin kulamada baarlamaanka muddo ku dhow dhowr bilood.

Kulanka Baarlamanka qabsoomi la`aantaas waxay ku eedeeyeen guddoomiyaha baarlamaanka Hirshabeelle Sheekh Cusmaan Barre.

Waxaa kaloo ay sheegeen in inta badan xildhibaanada baarlamaanka Hirshabeelle aysan aheen kuwoo ku sugan magaalada Jowhar oo ah xarunta maamulka Hirshabeelle, taasina ay qeeyb ka qaadatay qabsoomi la`aanta kulamada baarlamaanka maamulka Hirshabeelle.

Mid kamid ah Xildhibaanada  baarlamaanka Hirshabeelle ayaa sheegay in muddo bilooyin ah aysan wax kulan ah yeelanin baarlamaanka Hirshabeelle iska markaana ku eedeeyay qabsoomi la`aanta kulamada baarlamaanka guddoomiye Sheekh Cusmaan Barre.


Gudoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeele ayaa u muuqda in u gabay shaqadiisa isaga oo mashquul ku ah arrimo isaga u gaar ah.


Dhinaca kale Waxaa Maalmahaan  Soo If baxayay Mooshino Ka Dhan ah Madaxweeynaha Hirshabelle iyo Guddomiyaha Barlamaanka Hirshebelle Balse lama Garanayo Waxa ay Salka Ku Hayaan Moshinadaasi.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*