Macalim Jaamacadeed Iyo Salkaal Boolis Oo Caawa Lagu Dilay Muqdisho


Kooxo hubeysan ayaa caawa siyaabo kala duwan ugu dilay degmooyin ka tirsan Magaalada Muqdisho Sarkaal Boolis iyo Macalin Jaamacadeed, waxaana dilalkan ay ka dhaceen Degmooyinka Dayniile iyo Yaaqshiid.

Dilka hore ayaa caawa fiidkii Waxa uu ka dhacay degmada Yaaqshiid, halkaasoo kooxo bastoolado ku hubeysan ay dileen Sarkaal Boolis oo lagu magacaabayay Xasan Dheere oo ka tirsanaa Laanta Dambi Baarista ee CID.


Kooxdii dilka ka dambeysay ayaa baxsaday, waxaana mar dambe gaaray goobta Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka, kuwaasoo baaritaano sameeyay, hase ahaatee kuma Guuleeysan inay gacanta ku soo dhigaan kooxdii dilka ka dambeysay.

Sidoo kale dil kale ayaa caawa ka dhacay Xaafada Oodweyne Oo ka Tirsan  Degmada Dayniile, halkaasoo kooxo hubeysan ay Macalin jaamacadeed ku dileen.

Macalinka Jaamacadeed ayaa magaciisa lagu sheegay Ismaaciil Cadow, waxaana uu wax ka dhigayay Jaamacadda Soomaaliya, gaar ahaan Kulliyada Shareecada.

Lama oga sababaha loo dilay, hase ahaatee waxaa ay qeyb ka tahay dilalka ujeedo badanka ee siyaabaha kala duwan uga dhaca Muqdisho sanadihii u dambeeyay.


Waana Nasiib Daro Heeysato Shacabka Ku Nool Muqdisho Hadii Malin Kasto Hortooda Lagu Dilayo Dadka Wax galka ah Iyo Shacabka Masakinta ah aan  Waxba Galabasa.Sidaa Waxaa Yiri Mid ka Mid ah Dadka Degaanka” 

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*