Maxkamadda Hargeysa Oo 3 Sano Oo Xabsi ah ku xukuntay Naciimo Qorane


Maxkamadda Magaalada Hargeysa  ayaa saddex Sano oo xabsi ah ku xukuntay Naciimo Abwaan Qorane oo Billowgii Sanadkan lagu xiray Magaalada Hargeysa.

Maxkamadda Magaalada Hargeysa ayaa Naciimo ku soo oogtay labo dambi oo ay ku sheegtay in ay faafisay dacaayad ka dhan ah Hay’adaha Maamulka Somaliland iyo dambiga 2aad oo ay ku sheegtay in ay dal shisheeye ka sameysay kacdoon liddi ku ah Somaliland.

Waxaa eedemahaasi Ka Horjeediyay  Maxkamada Garyaqaan Mubaarig Cabdi Ismaaciil  iyada oo Maxkamadduna saddex Sano ku xukuntay Naciimo oo ah Gabar baraha bulshada wax ku qorta.


Maxkamaddu ma sheegin in Xukunka Naciima la iibsan karo ama racfaan laga qaadan karo sida xukunno ay horay u ridday oo kale.

Hay’adaha u dooda xuquuda Aadanaha ayaa dhowr jeer Somaliland ku eedeeyay in ay cabburin ku heyso dadka cabbiraya fakarkooda.


Naciima ayaa Xabsiga Hargeysa ku jirta 67; maalmood ka hor xukunka Maanta ay ku ridday Maxkamadda Magaaladaas ee Maamulka Somaliland.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*