Wabiga Shabelle Oo Laga Cabsi Qabo In uu Ku Fataho Xaafado Ka Mid ah Magaalada Jowhar


Roobabka guga oo ka da’ay deegaano ka mid ah Maamul Goboleedka Hirshabelle ayaa sababay in wabiga Shabelle uu buuxsamo iyadoo cabsi laga qabo in uu ku fataho xaafado ka mid ah magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka Hirshabelle.

Wabiga Shabelle ayaa lagu soo baraarugay duhurnimadii maanta iyadoo ay biyo ka soo burqanayaan gaar ahaan meel u dhow garoonka kubbada cagta ee Shongole Stadium ee xaafada Kulmis.


Dhalinyarada xaafada Kulmis gaar ahaan qeybta Buulo-Makiino oo is abaabulay ayaa u suurtogashay inay ka hortagaan oo ay joojiyaan biyaha ka fatahayay wabiga oo gaaray guryo ku dhow dhow wabiga Shabelle.

Sidoo kale waxaa jirta biyo uu wabiga ka wado xaafada Biyaasa ee hore u ahayd warshadii hore ee sokorta SNAI,halkaa oo ay barakacayaal badan ku nool yihiin.


Sidoo kale dadka ku nool Tuulooyinka ku xeeran wabiga Shabelle ayaa waxa ay ka cabsi qabaan inuu wabigu ku fataho hase yeeshee illaa iyo hadda lama soo sheegin tuulo uu wabigu ku fatahay.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*