Daadad Xoogan Oo Laga Badbaadiyay Dad Shacab ah Mandheera Keenya


Wararka Laga Helaayo  Magaalada Mandheera ee waqooyi Bari Kenya  ayaa Sheegaya Ugu yaraan lix qof oo dhaawac ah in la geeyay kaddib markii Gaari dadkaas ay la socdeen uu daad la Qaaday.

Ciidanka Amaanka ee Mandheera ayaa gurmad u galay badbaadinta lixda Qof iyada oo lagu guuleystay ugu dambeyntii,waxaana hadda ay ku jiraan Isbitaal.

Guddoomiyaha Maamulka Mandheera Cali Robo ayaa dadka degaanka ugu baaqay in ay ka taxaddaraan safarka dhulka ah xilliga Roobka oo hadda lagu jiro.

Guddomiye Cali Robo ayaa sidoo kale dadka kula taliyay in ay u wareegaan dhulka aad u sarreya maaddaama heerka dhererka Biyaha uu sare u kacay islamarkaana daadad xoog leh ay ka jiraan Gobolka. 


Dhinaca kale Maamulka Gaarisa ayaa sheegay in labo qof ay geeriyoodeen iyada oo tiro kalena ay dhaawacyihiin, sidoo kale Waxaa bur buray Guryo kaddib markii Roobka Guga uu saameyn Badan  ku yeeshay degaannadaas.


Roobka Guga oo ka curtay meelo badan oo ka mid ah Afrikada Bari ayaa dhulka uu ka da’ayo waxaa ka mid ah Dalka Kenya Iyo Soomaliya.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*