Madaxweyne Gaas “Waa Been Ma Jiraan Tababaraaylka Imaaratka In ay Ka Guureen Puntland”


Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa Shir Jaraaid ku qabtay Xeradda Ciidamada badda ee Maamulka Puntland eeduleedka Magaalada Boosaaso Waxaana uu ka hadlay Wararka sheegaya in dowladda Imaaraadka Carabta ay ka baxday degaanda Puntland.


Sidoo kale Waxaa uu sheegay in Puntland iyo dowladda Imaaraadka Carabta uu ka dhaxeeyo xiriir wanaagsan oo ku aadan horumarinta Puntland.

Madaxweyne Gaas ayaa beeniyay in Garoonka Boosaaso ay ka baxeen tababarayeyaal u dhashay dowladda Imaaraadka Carabta.Waxaana uu  Caddeeyay in Puntland ay sii wadi doonto wada shaqeynta dowladda Imaaraadka Carabta.

Dhinaca kale Waxaa uu sheegay in Warar been  Abuur ah lagu faafiyay Baraha Bulshadda kasoo ahaa in uu xumaaday Xiriirkii Puntland iyo Imaaraadka Carabta.


Ugu dambeyntii Waxa uu xusay Madaxweynaha in aysan jirin Saraakiil Imaaraad ah oo lagu dhibaateeyay Garoonka Boosaaso Waxaana uu soo Hadal qaaday Xariirka Ka dhaxeeya Imaartka iyo Soomaliya in uu Yahay Mid soo Jireen ah una Baahan In la wanaajiyo.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*