Madaxweyne Gaas”Anaga Nabada Waan Rabnaa Lakiin Hala Weeydiiyo Madaxweyne Muuse Biixi”


Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabduweli Maxamed Cali Gaas ayaa Sheegay In Codsi uga Yimid  Boqor Buur Madoow Codsigaasi  Oo ahaa in la xaliyo xiisada u dhaxeysa Maamulada Puntland iyo Soomaaliland ee deegaanka Tukaraq.

Boqor Buur Madobe  ayaa madaxweyne Gaas ka codsaday in uu aqbalo in lakala qaado ciidamada mudada dhowrka bilood ah iskuhor-fadhiya deegaanka tukaraq kuwaas oo qarka u saran in uu Dagaal Ku Dhex Maro Halkaasi.


Madaxweyne Gaas oo ka jawaabayey hadalka Boqor Buur Madoow ayaa sheegay in Puntland ay marwalba Nabada jeceshay,isla markaana madaxweynaha Soomaaliland ee Muuse Bixi ay ku xeran tahay in uu ogolaado xalka Nabada ee Labada Shacab.


Sikastaba  ha ahaatee deegaanka tukaraq ee Gobolka Sool ayaa waxaa iminka Gacanta ku haya Ciidamo ka tirsan kuwa soomaaliland oo kala wareegay Ciidamada Puntland,waxana halkaasi mudo dhowr bilood ah iskuhor-fadhiya Ciidamada Soomaaliland iyo kuwa Puntland.

Inkastoo aan La Garananaynin Halka ay Ku Danbeeyn doonta Balse Shacabka ayaa Mar waliba waxa ay Ku Baaqaan In nabada La qaato..

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*