Manchester City oo ku guulaystay horyaalka Ingiriiska


Kooxda Manchester City ayaa ku guulaysatay Horyaalnimada Ingiriiska ka dib markii guuldarro lala yaabay oo 1-0 ah ay soo wajahday Manchester United oo garoonkeeda ku dheelaysay.

Kooxda West Brom ayaana damaashaadka u soo hormarisay Manchester City, kadib markii ay garaacday Man United.


Manchester United oo kaalinta labaad ku jirta ayaa hadda 16 dhibcood ka hoosaysa kooxda uu layliyo Pep Guardiola, waxaana hadda koobkaas ka dhiman 5 kulan oo kali ah.


Waa koobkii saddexaad ee horyaalka Ingiriiska ah ee Manchester City ay ku guulaysato toddobadii xilli ciyaareed ee u dambeeyay, waana midkii koobaad ee macallinkoodu la qaado xilli ciyaareedkiisii labaad ee uu kooxda maamulayo.

Man City ayaa sannadkan ka soo dhalaashay Koobka Horyaalka Ingiriiska ee Premier League waxayna dhalisay 93 gool labo jeer oo kali ah ayaana laga badiyay.

Koobkan ayaa noqonayaa midkii 24 ee uu ku guulaysto macallinkan hore u soo tababaray Barcelona iyo Bayern Munich.

Ninkan 47 jirka ah ayaa horay ugu guulaystay Koobka Horyaalka Spain iyo Jarmalka, labo jeer ayuuna Barcelona la soo qaaday koobka Horyaallada Yurub ee Champions Leagues.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*