Xaruntii Tababarka Imaaraadka Ee Muqdisho Oo La Boobay


Qaar ka mid Ciidamada Dowladda ee ku sugnaa Xarunta Tababarka Ciidamada ee Imaaraadka Carabta ku lahaayeen magaalada Muqdisho ayaa la sheegay in ay Boobeen agab yaalay Xarunta oo ay maanta ka baxeen Saraakiishii Imaaraadk

Saraakiishii tababarayaasha ahaa ee ku sugnaa Xerada tababarka Imaaradka ee Muqdisho ayaa saakay isaga baxay Magalada Muqdisho,iyaga oo dalkooda dib ugu laabtay kadib markii uu xumaaday xiriirii Soomaaliya iyo Imaaraadka.


Wararka ayaa  sheegaya  in ay Yihiin Ciidamadii ay horay u tababareen Imaaraadka Kadib Markii ay ka warheleen bixitaanka Saraakiisha Imaaraadka,isla markaana ay bilaabeen in ay boobaan Agab ay lahaayeen Saraakiisha Imaaraadka,sida Gaadiid Ciidan,Qalabkii tababarka iyo Gaadiid kale.


Dad ka agdhow Xarunta Tababarka ayaa waxa ay  sheegeen in  ay arkayeen Ciidamo wata Agabkii ay ka tageen Saraakiisha Imaaraadka ee ku sugnaa Xarunta ay ku lahaayeen Degmada Hodan.

Dhinaca kale Tallaabada ay uga baxeyn Saraakiisha Imaaradka ee  ku sugnaa Muqdisho Waxa ay Ku soo aadeysa xili La Sheegay in ay  dhawan ka baxeyn Xero ay ku tababarayeen Ciidamada Badda Puntland oo ku taalla Boosaaso Inkastoo uu Maanta Shir Jaraaid uu Ku Beeniya   Madaxweyne Cabduweli Gaas  Hadalka Bixitaanka ah ee Imaaratka Waxba Kama Jiraan .

Dhanka Dowladda Soomaaliya Iyo Imaaraatka ayaa u Muuqda Mid Siii Galaya Mugdi Madaama uu Sii Xumaanayay Tan iyo Markii Dalka Laga Mamnuucay Shirkada DPWorld.  

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*