C/Raxamaan C/Shakuur ” Kulankii aan Qaban Lahaa Waxaa Hor Istaagay Ciidamada Keenya Waxaana Soo Diray Aden Bare Ducale”


kulan uu maanta  qaban lahaa siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame  oo ka dhici lahaa magaalada Nairobi  ayay Joojiyeen Ciidamada amaanka ee dalka Kenya.


Siyaasiga ayaa dhawaan dowlada Soomaaliya waxay ka qaaday xayiraad dhanka safarada ah oo saarneed.

Aadan Barre Ducaale oo ka mid ah Baarlamaanka dalka Kenya ayaa ka hadlay sababta loo joojiyay kulankaas uu qaban lahaa C/raxmaan C/shakuur wuxuuna ku tilmaamay in Kenya aysan diyaar u`aheyn in dowlada Soomaaliya looga duula dalkeeda.

Siyaasiga oo dhankiisa arintaan ka hadlay wuxuuna ugu horeyn raaligelin u diray dhamaan shacabkii rabay in ay ka soo qeyb galaan kulankii uu qaban lahaa.


Sidoo kale siyaasiga ayaa yiri”maamulka Farmaajo wuxuu caadeystay in uu hor istaago dadka ka aragti duwan, waxaa xusid mudan in isaga iyo aniga ay qaban jirnay kulamo aan ugu soo hor jeednay dowladii Xasan Sheekh”.

Hase ahaate Kulanka Laga Mamnuucay Siyaasiyiinta ayaa u  Muuqdo Qaab qaabiil Waayo Magaalada Nairoobi waxaa lagu qaban Jiray Shirar looga soo horjeedo dowladahii Hore Sida Xasan Shiiq iyo Sheekh shariif  Sidoo kale Kulamadaasi waxaa ka soo qeeyb geli jiray Madaxweeynaha Talada Dalka Haayo Maxamed Farmaajo .

Inkastoo ay Wanaagsan Tahay in aan Dalka La Bur-burin Balse Aden Bare Ducaale Waxa uu u Hadlayaa Qaab qabiil Waxaana Hadaladiisa Ka Muuqda Mid ay Ka Dhadhameeyso Qabiil Jecleeysi.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*