Wabiga Shabeelle Oo Mar kale Fatahaad Sameeyay


Wararka laga Helaayo Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in wabiga Shabeelle uu fatahaad ka sameeyay tuulooyin hoosyimaada Magaalada Jowhar.

Fatahaadan ayaa sababtay khasaare soo gaaray dhul beereed baaxadiisa ay weyn tahay, inkastoo la xiray meelihii uu fatahaada ka sameeyay Wabiga ayaa hadana weli waxaa socdo Fatahaado kale uu Wabiga ka sameynayo Tuulooyinka Bayxaaw, Daymasame iyo Maandheere oo dhammaantood hoosyimaada Degmada Jowhar.


“Arrintan waxay bilaabatay Shan maalmood kahor, buq meesha ka baxday ayaa khasaare u geysatay beerrihii meesha ku yaallay oo dhan, biyaha way badnaayeen way sii gudbeen, xaalad aad u adag ayaa ka jirta degaanka.” Ayuu yiri qof ka mid ah dadka degaanka.


Fatahadaan ayaa bilaabatay waxyar kadib markii Maamulka iyo degaanka ay ku guuleysteen in ay xiraan biyo shub uu wabiga ka sameeyay gudaha Magaalada Jowhar todobaadkii La soo dhaafay.

Dadka Waxa ay uga Digeen in Fatahaada ugu daran  Wabiga Shabeelle  ay Tahay Buqda Maandheere oo dhawrkii sano ee la soo dhaafay khasaare xoog leh gaarsiisay degaano ku yaalla Gobolada Shabeelooyinka, sidoo kale Buqda ayaa jartay wadada isku xirta Magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar.

Dhinaca kale Majiro Wax Gurmad ah Oo uga Imaanaya Doowlada Dhexe in ay Ka Caawiyaan Sidii Loogu Guuleeysan Lahaa in La Xakameeyo Biyaha.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*