deg deg :Qaraxyo Caawa ka dhacay Xaafado ka mid ah Muqdisho.


Faah faahino Soo Baxayo ayaa sheegaya in  qaraxyo xooggan ayaa caawa laga maqlayaa qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho, kuwaasoo u muuqda inay yihiin wax u eg madaafiic hoobiyeyaal soo dhacaya, iyadoo aan si rasmi ah loo ogeyn goobaha ay ku dhacayaan.


Dadka ku nool degmooyinka Warta Nabada, Xamar Weyne, Hodan iyo H/wadaag ayaa soo sheegaya inay maqlayaan madaafiic soo dhaceysa.

Jugta xooggan ee la maqlayo ayaa illaa iyo hada la ogeyn goobaha ay ku dhacayaan, xaaladana aad ayay u adag tahay.

Goor sii horeysay inta aysan bilaaban jugta u eg madaafiicda is xigay ayaa waxaa la malqay weeraro bam gacmeed ah oo lagu qaaday fariisimo ciidan oo ay ku sugnaayeen ciidamada ammaanka.

Qaraxyada xooggan ee caawa laga maqlayo magaalada Muqdisho ayaa imaanaya, iyadoo habeenkii koowaad ay tahay bisha Ramadaan.


Xukuumadda Soomaaliya ayaa dhowaan ku dhawaaqday inay diyaarisay ciidamo suga ammaanka, inta lagu guda jiro bisha Ramadaan.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*