Siyaasi C/raxmaan C/shakuur “Bayaanka Ka soo Baxay Mamul Goboleedyada Wuxuu Xambaarsan Yahay Dhiilo Culus”


Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa ka hadlay shirkii dowlad goboleedyada ugu soo gabagaboobay magaalada Baydhabo, isagoo shan qodob ku cabiray bayaankii ka soo baxay shirkaas.


C/raxmaan C/shakuur ayaa sheegay in bayaanka ka soo baxay shirkaas uu xambaarsan yahay dhiilo culus oo u baahan in dowladda Federaalka ay dhegaha u furto.

Halkan hoose akhriso:-

Bayaanka ka soo baxay shirka dawlad goboleedyada wuxuu xanbarsaan yahay dhiilo culus oo u baahan in dawlada Federaalka ah ay dhegaha u furto. Waxaa ugu muhiimsan

1- Dawlada in ay fulin waysay heshiisyadii dhinaca Amniga ee horay loogu heshiiyey


2- In ay dawladii dhexdhexaadnimadii khilaafka Khaliijka ay ka baxday dhinacna la jirsatay.

3- Deeqaha la siiyo Federaalka in ay iyada soo dhaafin.

4- In Federaalku faragelinta ka daayo dawlad goboleedyada.

 

 

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*